Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada Macawiisleyda oo La Wareegay Goobo Muhiim ah oo ka Tirsan Xarunta Lama-galaay ee Beledweyne, Xilli uu Taagan Yahay Khilaaf Siyaasadeed

Ciidamada Macawiisleyda oo La Wareegay Goobo Muhiim ah oo ka Tirsan Xarunta Lama-galaay ee Beledweyne, Xilli uu Taagan Yahay Khilaaf Siyaasadeed

Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo taageero ka helaya siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda gobolka Hiiraan, ayaa la wareegay qaybo muhiim ah oo ka mid ah xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne, kaddib markii uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamulka gobolka.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal ayaa fariisimo ka sameystay qaybo ka mid ah xerada, oo ay ku jiraan xarumaha maamulka gobolka.

Sidoo kale, waxay la wareegeen afaafka hore ee buundada Liqliqato, iyagoo fariisimo ka sameystay bannaanka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Xerada Lama-galaay waxaa ku yaalla xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo saldhigga ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyihii hore ee gobolka, Maxamed Xuseen Maxamed, oo diiddan go’aanka Hirshabeelle ay xilka kaga qaaday, ayaa weli ku sugan xarunta maamulka, halka guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, Muuse Salaad Weheliye, uu ku sugan yahay qaybta ay deggen yihiin ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii xoogga dalka ee markii hore ku sugnaa afaafka hore ee xerada ay dib uga baxeen goobta, iyadoo aan wax rasaas ah la isku ridin, isla markaana aan la soo sheegin iska horimaad dhexmaray labada dhinac.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan hoggaanka gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale la filayaa in magaalada Beledweyne uu gaaro Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane, oo ka mid ah dadka xiriirka la leh dhaqdhaqaaqan, ayaa sheegay in ciidamada Macawiisleyda aysan dagaal kula jirin ciidamada xoogga dalka, balse ay la wareegeen xarumaha maamulka gobolka.

Wuxuu uga digay saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga inay faragelin ku sameeyaan dhaqdhaqaaqa ciidamada deegaanka, isagoo sheegay inay is difaaci doonaan haddii la soo weeraro.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa weli ah mid kacsan balse deggan, mana jiraan warar la xaqiijiyay oo sheegaya in uu dhacay iska horimaad hubeysan. Weli ma cadda sida maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka uga jawaabi doonaan la wareegidda xarumaha maamulka ee ay sameeyeen ciidamada Macawiisleyda.