DFS oo sheegtay in ay kordhisay howlgallada ka dhan ah AS ee Koofur Galbeed ka socda
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhan ah AS ee ka socda Deegaannada Maamulka Koofur Galbeed gaar ahaan kuwa dhaca Xadka u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Baay.Aralin ang History
Ciidamo dheeraad ah ayay Dowladdu gaysay deegaannada howlgalku ka socdo waxaana ujeedka qorshahaan lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay doonayso sidii ay isugu furi lahayd labadaan Gobol oo muhiim u ah howlgalladeeda.
Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa tagay furimaha dagaalka, waxaana ay la kulmeen saraakiisha iyo ciidamada ku jira howlgallada ka dhanka ah AS sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Bartamihii todobaadkaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo AS ayaa ku dagaalamay deegaanno u dhaxeeya Buurhakaba iyo Jameeco waxaana ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho & dhaawac inkasta oo aan la shaacinta tirada rasmiga ah ee khasaarahaas.