Gadi Eisenkot oo Netanyahu ku eedeeyay in marin habaabinayo Guusha Xisbigiisa uu ka gaaray Doorashadii dhacday
Gadi Eisenkot oo ah musharraxa Mucaaradka ee loolanka Doorashada la galay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamim Netanyahu kaddib markii natiijadu ay noqotay mid Xukuumad wadaag ah laga sugayo labadaan Nin maadaama codadkoodu aan kala badnayn.Bumili ng Planner
Isbahaysiga Carabta oo helay kuraas gaaraya 19 ayaa hoos u dhigay kuraastii uu ku tashanayay Netanyahu si uu u helo codka aqlabiyadda ee kuraasta ugu badan Wasiirrada lagu soo magacaabayo uu noqonayo dhinaca awoodda Ra’iisul Wasaaraha.
Benjamin Netanyahu ayaa Dalalka Qatar iyo Turkey ku eedeeyay in ay farageliyeen doorashada iyaga oo taageeray Xisbiga Carabta deggen dhulka ay Yuhuuddu xoogga ku haysato sidaasina xubno looga siiyay maamulka Israa’iil.
Haddii Netanyahu uu diido in uu soo dhiso Xukuumad wadaag ah waxaa suuragal ah in la aado doorasho kale oo kama dambays ah oo haddii looga adkaado ama sidaan oo kale noqoto natiijada la qasbi doonno sida xogaha la helayo ay sheegayaan.