Friday, November 13, 2026
HomeWARARKADowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo Muqdisho ku yeelanaya wada-hadallo cusub.

Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo Muqdisho ku yeelanaya wada-hadallo cusub.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la filayaa inay magaalada Muqdisho ku yeeshaan shir wada-hadallo ah oo qabsoomaya 15-ka ilaa 18-ka November, sida ay Inside Somalia u sheegeen saraakiil si dhow ula socda qorshaha wada-hadallada.

Shirka waxaa fududeynaya dalalka Mareykanka, UK, Turkiga iyo Midowga Yurub, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii heshiis looga gaari lahaa hannaanka doorashooyinka dalka iyo dhismaha hannaan wadajir ah oo maamula doorashada.

Wada-hadalladan ayaa imaanaya kaddib markii dhowr wareeg oo hore oo u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka ay ku dhammaadeen heshiis la’aan. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa muujiyay oggolaanshihiisa ku aaddan soo jeedinno la xiriira hannaanka doorashada, hase yeeshee mucaaradka ayaa diiday, taas oo keentay in khilaafku sii socdo.

Dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan afarta dhinac ayaa ujeeddadoodu tahay in labada dhinac la isugu soo dhaweeyo mowqifyadooda, lana helo heshiis siyaasadeed oo saldhig u noqda hannaanka doorashooyinka soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments