Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay inay is-afgarad ka gaareen arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dib u dhiska kalsoonida siyaasadeed, kaddib kulan ay Arbacadii fiidkii ku yeesheen Muqdisho.
Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku raaceen in aan arrimaha amniga loo adeegsan khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale, waxay isku afgarteen in doorashooyinka soo socda lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, halkii dhinac keliya uu go’aan ka gaari lahaa.
Kulanka waxaa dowladda uga qeybgalay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Booliska Asad Cabdullaahi Cismaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute).
Golaha Mustaqbalka waxaa matalay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullaahi Carab iyo Maxamed Aadan Koofi.
Wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonida siyaasadeed, loona abuuri lahaa jawi suuragelinaya wada-hadallo dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xallinayo khilaafaadka dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.


