Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

HOOYO SOOMAALI AH OO LAGU TUHUNSAN YAHAY DILKA LABA CARRUUR AH OO AY DHASHAY

HOOYO SOOMAALI AH OO LAGU TUHUNSAN YAHAY DILKA LABA CARRUUR AH OO AY DHASHAY

Dhacdo naxdin leh ayaa saaka ka dhacday magaalada Savage ee gobolka Minnesota, kaddib markii laba carruur ah oo da’doodu kala tahay 3 iyo 5 sano jir lagu dilay toogasho ka dhacday guri dabaqyo ah.


Haweeneyda lagu tuhunsan yahay falka ayaa magaceeda lagu sheegay Awo Abdikarin Duale, oo 33 jir ah, sida ku cad xogta booliska ee la helay. Haweeneydan ayaa hadda ku jirta gacanta booliska.


Sida ay sheegeen saraakiisha booliska magaalada Savage, dhacdada ayaa timid kaddib markii haweeneydu ay wacday lambarka gurmadka degdegga ah ee 911, iyadoo sheegtay inay toogtay carruurteeda.


Booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa goobta gaaray wax yar ka hor 6:30 subaxnimo. Mid ka mid ah carruurta ayaa goobta ku geeriyooday, halka cunugga kale loola cararay isbitaalka Hennepin County Medical Center, balse markii dambe uu isbitaalka ku geeriyooday.


Booliska Savage iyo hay’adda baarista dambiyada Minnesota (BCA) ayaa wada baaritaanka dhacdadan.


Taliyaha booliska Savage ayaa sheegay inaysan jirin khatar kale oo bulshada ku wajahan.


Ilaa hadda lama shaacin sababta ka dambeysay dhacdadan, mana jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan waxa sababay toogashada.