Axad, 29 Nofembar 2026
Caalamka

Maxamed Yuusuf oo ku geeriyooday Minnesota kadib weerarkii lagu qaaday & Xaalad soo wajahday Somalida Maraykanka

Allaha u naxariiistee, waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Maxamd Yuusuf oo ahaa Soomaali darawal ka ahaa gawaarifa Uber-ka kaas oo bartamahii Bishan dhaawac daran ka soo gaaray markii qof rakaaba oo uu siday uu weeraray sida ehelkiisu xaqiijiyeen.

Marxuunka ayaa tan iyo maalintaas ku jiray koomo isagoo qabay dhaawacyo halis ah oo ay ka mid yihiin feeraha iyo lugta oo jabay, dhaawac laf-dhabarta ah, sanbabada oo burburay iyo dhiig-bax gudaha ah.

Ninka weerarka ku qaaday Maxamed, ayaa lagu magaacaa Samit Apurva Patel oo 25 jir, Sida ay sheegeen qoyskiisa iyo gal-dacwadeedka maxkamadda.

Eedeysanaha ayaa weydiiyay magaciisa, markii uu u sheegay in la yiraahdo Maxamedna wuxuu yiri "ma jecli magacaas", kadibna wuxuu gadaal kaga ceejiyay suunka gaariga, isagoo kaddibna gaariga ka tuuray dhowr jeer taayirka gaariga jiirsiiyey sida ehelkiisu sheegeen, wuxuu ugu tagay waddada geeskeeda.

Diiwaannada Uber ayaa muujinaya in Yusuf uu Patel ka qaaday meel u dhow baar ku yaalla waqooyi-bari Minneapolis, saacaddu markay ahayd 12:47 habeenimo ee 14-kii November, sida ku cad dacwadda dembiyeedka. Yusuf wuxuu telefoon kula hadlayay walaalkiis oo isaguna darawal ka ahaa Uber, waxaana wicitaanku socday intii ay dhacdadu dhacaysay sida dacwada lagu xusay.