Monday, July 27, 2026
HomeWARARKA Nin Muslim ah oo loo doortay Duqa New York iyo Madaxweyne Trump...

 Nin Muslim ah oo loo doortay Duqa New York iyo Madaxweyne Trump oo careysan

Nin dhallinyaro Muslim ah oo lagu magacaabo Zohran Mamdani , ayaa loo doortay in uu noqdo duqa magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxa uuna ninkan ka guuleestay musharaxii uu watay Madaxweynaha Mareykanka Donalad Trump.  

Doorashada uu kusoo baxay kahor Zohran Mamdani , Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump, ayaa uga digay dadka New York in ay doortaan ninkan Muslimka ah, waxa uuna ku hanjabay haddii ay doortaan Mamdani oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga ah in dhaqaalaha fedrraalka uu ka jari doono New York.      

  Duqa cusub ee loo doortay New York, ayaa guushiisa kaddib si adag khudbad uu jeediyay kula hadlay Madaxweyne Trump, waxa uuna sheegay in uu yahay nin dhallinyaro ah oo kusoo baxay codka shacabka New York, waxna u dhimi weysay hanjabaadiisa. 

“ Waxaan ahay nin dhallinyaro ah oo Muslim ah, kuwa badan waxay doonayeen inan hoos u sheego oo aan ka cududaarto ma sameyn doono taa … Trump waan oggahay inaad i daawanayso keliya codka kor u qaad.” ayuu yiri Zohran Mamdani ah oo ah Muslim asal ahaan kasoo jeeda Hindiya.     

Muslimiinta Mareykanka ayaa taariikh cusub ka diiwaangeliyay Mareykanka, kaddib markii Zohran Mamdani loo doortay duqa magaalada ganacsiga Mareykanka ee New York , taa oo ka dhigaysa mid ka mid ah guulaha ugu muhiimsan ee muslimiinta Mareykanka ay gaareen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments