Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Paul Pogba Oo Si Maldahan Ugu Digtay Man United.

Paul Pogba Oo Si Maldahan Ugu Digtay Man United.

Paul Pogba ayaa qirtay inuu u baahnaa in uu Fasax ka galo Man United isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu laba todobaad la qaato xulka qarankiisa France.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan xilli ay kooxdiisa Ma United ku dhibaatootay in ay u tartanto koobab xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France oo ka hadlaya in uu aaday wajibaadka xulka qarankiisa ayaa yidhi”Waxa aan neefsanayaa hawo cusub todobaadkan”.


“Waa in aad runta ka hadasho, haa, waa run waxa jirta mararka qaar aad u baahantahay fasax gaar ahaan marka aad Man United u ciyaartid”ayuu Pogba sii raaciyay.

Heshiiska Pogba ee Man United ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in uu qaab xor ah uga tago kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa Man United.