ISBADDAL MUHIIM AH OO KU SOO FOOL LEH KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA: CABDICASIIS AXMED MAHDI OO SOO GAARAY MUQDISHO
MUQDISHO, SOOMAALIYA – Cabdicasiiis Axmed Mahdi, guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Dekedaha, ciyaaryahankii hore ee kooxda Muqdisho FC, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli ay isa soo tarayaan diyaar-garowga doorashada hoggaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF) ee la filayo inay dhacdo horraanta sannadka 2027.
Cabdicasiiis ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, kaddib wadatashiyo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bahda isboortiga, gaar ahaan kooxaha ka tirsan xiriirka, xubnaha Guddiga Fulinta ee SFF iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga.
Cabdicasiiis Axmed Mahdi ma aha oo keliya maamule isboorti iyo ciyaaryahan hore, balse sidoo kale waa shaqsi lagu xusuusto kaalintii uu ka qaatay dib-u-soo nooleynta kubadda cagta iyo dhiirrigelinta isdhexgalka bulshada xilli ay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ka jireen dagaallo sokeeye iyo burburkii dowladnimada horraantii sagaashamaadkii.
Xilligaas adag, kubadda cagtu waxay ahayd mid ka mid ah aaladihii bulshada dib isugu soo dhoweynayay, dhallinyaradana siinayay fursad ay ku muujiyaan kartidooda, kuna abuuraan walaaltinimo, nabad iyo isdhexgal bulsho.
Imaatinkiisa Muqdisho iyo qorshaha uu ku doonayo inuu hoggaanka xiriirka u tartamo ayaa soo jiitay dareenka qaybaha kala duwan ee bahda kubadda cagta Soomaaliyeed, iyadoo ay jiraan baaqyo ku aaddan dib-u-habeyn maamul, hufnaan, isla xisaabtan, maareyn maaliyadeed oo daahfuran iyo horumarinta kubadda cagta dalka.
Dhanka kale, tartanka hoggaanka xiriirka waxaa sidoo kale ku jira laba ciyaaryahan oo hore uga tirsanaa xulka qaranka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Ciise Aadan iyo Maxamed Deeq Africa.
Sidaas darteed, doorashada la filayo horraanta 2027 waxay noqonaysaa mid muhiim u ah mustaqbalka maamulka iyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya. Waxaa la sugayaa aragtida, qorshaha iyo barnaamijka ay musharraxiintu u soo bandhigi doonaan bahda isboortiga iyo kooxaha codbixinta leh.
Kubadda cagta Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan leh aragti fog, waayo-aragnimo, daacadnimo, hufnaan iyo isla xisaabtan. Su’aasha ugu weyn ma aha oo keliya cidda hoggaanka qabanaysa, balse waa cidda awoodda u leh inay dib u dhisto kalsoonida, xoojiso hay’adaha kubadda cagta, una abuurto jiilka soo socda mustaqbal ka wanaagsan.
Mustaqbalka kubadda cagta Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay hoggaan iyo ficil muuqda.
#KubaddaCagtaSoomaaliya #SFF #AbdiazizAhmedMahdi #DekedahaFC #SomaliFootball #SFF2027