Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xasan Sheekh oo go’aan ka gaaray qodob mucaaradku si wayn u hadal haayay.

Xasan Sheekh oo go’aan ka gaaray qodob mucaaradku si wayn u hadal haayay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in go’aannada masiirka dalka iyo wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka loo qaado dalal dibadeed, isaga oo ku adkeystay in wadaxaajood kasta uu ka dhaco gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka ay tahay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana aan loo baahnayn in arrimaha gudaha loo wareejiyo dibadda. Waxa uu xusay in isaga laba jeer lagu doortay gudaha dalka, sidaas darteedna aanu aqbali karin in talada Soomaaliya meel kale loo raadiyo.

“Ma dhacayso in talada Dalka la geeyo Dibadda aniga oo labo jeer la igu dhex doortay, wixii wadahadal ah waxa ay ka dhacayaan Dalka gudihiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mar kale muujiyay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wadahadal siyaasadeed oo ay la yeelato xubnaha mucaaradka, isaga oo ku boorriyay inay ka qayb qaataan gogosha wadahadalka ee dowladda ay ku baaqday.

Waxa uu sheegay in haddii xubnaha mucaaradku ay iyagu gogol wadahadal dhigtaan, dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay ugu tagto meel kasta oo Soomaaliya gudaheeda ah, taas oo uu ku muujiyay in dowladda aysan ku xirnayn goob gaar ah oo wadahadalku ka dhacayo.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku kala aragti duwan hannaanka doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku muujiyay in dowladda ay doorbidayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal gudaha dalka ah, isaga oo dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay miiska wadahadalka isugu yimaadaan si xal loogu helo arrimaha taagan.