Golaha Shacabka oo kulamadiis ku soo kordhiyay Luuqadda Suuldhabaaleynta
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulamadiisa ku soo kordhiyay adeegga Luuqadda Suuldhabaaleynta, si dadka maqalka la’ ay ula socdaan doodaha iyo khudbadaha Xildhibaannada.
Adeeggan ayaa suuragelinaya in dadka maqalka la’ ay si toos ah ula socdaan howlaha Golaha Shacabka, iyada oo turjubaano ku takhasusay Luuqadda Suuldhabaaleynta ay u gudbinayaan hadallada iyo doodaha ka socda kulamada Baarlamaanka.
Dhanka kale kulankii maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay buuxsami waayeen tiradii Xildhibaannada looga baahnaa in kulanku ku furmo.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa Xildhibaannada ugu baaqay inay soo xaadiraan kulanka xiga ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida.
Ku soo kordhinta adeegga Luuqadda Suuldhabaaleynta ayaa ah tallaabo lagu ballaarinayo helitaanka xogta Baarlamaanka, gaar ahaan dadka maqalka la’si ay ula socdaan howlaha iyo doodaha hay’adda sharci dejinta dalka.