Aqoonyahannada iyo Macallimiintii Kulliyadda Beeraha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo u mahadceliyay madaxda Dowladdali
Aqoonyahannada iyo macallimiinta Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey madaxda dowladda tallaabadii ay ka qaadeen ilaalinta dhulka kulliyadda.
Waxay soo dhaweeyeen go’aanka lagu diiday in dhulka Kulliyadda Beeraha loo adeegsado dano gaar ah, iyagoo sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay ilaalinta hantida guud iyo goobaha waxbarashada dalka.