Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarin Shaqsiga Ah.
Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Man United bisha March.
Xiddiga reer Portugal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bisha March isaga oo door weyn ka qaatay guulihii ay qaadahy kooxdiisu bisha.
Cristiano Ronaldo Ayaa 3 gool dhaliyay 2 kulan oo uu ciyaaray isaga oo saddexley ka dhaliyay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier Lerague.
Ronaldo ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Jadon Sancho iyo Fred waxana uu markii 3-aad ku guulaystay abaalmarinta xilli ciyaareedkan kadib markii uu ku guulaystay bilihii September iyo October.
Cristiano ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Man United xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 18 gool tartamada oo dhan 12-na ka yimaadeen Premier League.