Arsenal Oo Wadahadalo La Furtay Wolves Si Ay Uga Hesho Saxiixa Ruben Neves & Gunners Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto.
Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la furtay kooxda Wolves kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ruben Neves si ay ugu xoojiyaan kooxda xagaaga.
Laakiin Woves ayaa Gunners u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga reer Portugal suuqa xagaaga.
Xiddiga 25 jirka ah ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal iyada oo uu Mikel Arteta doonayo in uu xiddiga ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Kooxda Wolves ayaa u sheegtay Arsenal in ay diyaar u tahay in ay ka iibiso xiddiga khadka dhexe marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.
Laakiin Wolves ayaa u sheegtay Arsenal in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayso in ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo.