Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Lasoo Saxeexda!! – Ferran Torres Oo Barcelona U Tilmaamay Xiddig Ay Kooxdiisii Hore Ee Man City Kala Soo Wareegaan

Lasoo Saxeexda!! – Ferran Torres Oo Barcelona U Tilmaamay Xiddig Ay Kooxdiisii Hore Ee Man City Kala Soo Wareegaan

Garabka weerar ahna saxeexii suuqii January ee kooxda Barcelona ee Ferran Torres ayay wararku sheegayaan inuu kooxdiisa u tilmaamay inay Manchester City kala soo wareegaan Oleksandr Zinchenko oo ay kasoo wada ciyaareen halkaas.

Barcelona ayaa la ogsoon yahay inay suuqa ugu jirto saxeexa daafac bidix oo ay bedel uga dhigaan 31 sano jirka mudada dheer halkaas uga soo ciyaarayay ee Jordi Alba.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in Manchester City ay booskaas daafaca bidix u doonayso Tyrick Mitchel oo Crystal Palace ka tirsan taas oo albaabka u furi karta inuu Zinchenko kooxda faarujiyo xagaaga.

Xiddiga ree Ukrain ayaa kamid ahaa safka Pep Guardiola ee soo qabsaday England sanadihii ugu dambeeyay waxaana uu kula soo guuleeystay saddex Premier League, FA Cup iyo afar Carabao Cup.

Sida lagu sheegay wargeyska AS, Barcelona ayaa sidoo kale booska daafaca bidix ee kooxdeeda u doonaysa Alex Grimaldo oo Benfica ka tirsan iyo Alex Moreno oo Real Betis qayb ka ah.