Goolhayaha PSG Ee Keylor Navas Oo Arrin Dadnimo Weyn Muujinaysa U Sameeyay 30 Kamida Dadka Ukraine Kasoo Qaxay
Goolhayaha kooxda Paris Saint-Germain ee Keylor Navas ayaa sameeyay arrin soo jiidasho leh oo bini-aadanimo ah oo si weyn loogu amaanay kaddib markii uu soo dhaweeyay 30 kamida dadka kasoo qaxay dalka Ukraine.
35 sano jirka ree Costa Rica ayaa soo iibiyay 30 sariirood isaga oo qaybta masraxa ee gurigiisa weyn ee Paris u dhigay dadkaasi qaxoontiga ah isla markaana halkaas dejiyay.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, xaaskiisa Andrea ayaa ah shaqsiga cuntada u diyaarisa ee u samaysa dadkaasi 30-ka qof ah oo ay sidoo kale u iibiyeen dhar.
Sidoo kale Andrea ayaa dadka kala socda baraha bulshada ka codsatay inay kasoo qayb qaataan caawimada dadkaasi soo qaxay ee Ukraine ka yimid
“Gacmaha wax bixiyaa waligood ma madhnaadaan” ayay qoraal ahaan usoo raacisay xaaska Keylor Navas xilli ay dib usoo daabacday qoraalkaas hore ee ay dadka baraha bulshada kaga taxan kaga codsanaysay inay kala qayb qaataan caawimada dadkaasi ay gacanta ku hayaan.
Navas ayaa haatan ka maqan magaalada Paris isaga oo xulkiisa Costa Rica kala qayb qaadanaya isku daygooda ah inay xaqiiqsadaan booskooda koobka aduunka ee Qatar. Shabaqiisa ayuu ilaashaday xilli dalkiisu booska afraad ee CONCACAF soo galay kulankii ay guusha 1-0 ka ah ka gaadheen Canada Jimcihii.
Labadooda kulan ee ugu dambeeya ayaa noqon doona kuwo ay kaga hortagi doonaan El Salvador iyo Maraykanka. Ugu yaraan Navas ayaa doonaya inay booska afraad sii xejistaan oo ay ka qayb qaataan kulamada bug-baxa (Play-Offs).
