AKHRISO: Mushaharka Ciyaartoyda Real Madrid, Laacibka La Dulmiyey, Midka Aan La Gaadhi Karin Iyo Sida Uu David Alaba U Jiidhay Benzema, Modric & Kroos
Mushaharka ay qaataan ciyaartoyda Real Madrid ayaa la shaaciyey, waxaana jira laacibiin ku dulman Santiago Bernabeu oo mushaharka ay qaataan uu magac u yaal yahay, halka xiddigaha qaarkoodna ay tobannaan ciyaartoy oo la isku-daray ka mushahar badnaanayaa.
Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Real Madrid, waxaanu aad uga sarreeyaa laacibka kusoo xiga ee kaalinta labaad ku jira oo Eden Hazard ah, hase yeeshee waxa sad-bursiimo weyn la siiyey David Alaba oo Real Madrid ay si xor ah ugala soo wareegtay Bayern Munich xagaagii.