Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wafdi ka socda Guddiga Doorashada oo gaaray Kismaayo.

Wafdi ka socda Guddiga Doorashada oo gaaray Kismaayo.

Kismaayo : Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan ku-xigeenka Guddiga iyo labo xubnood oo kale oo katirsan guddiga FEIT ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka SEIT Jubbaland iyo xubno kale.

Ujeedka socdaalka guddiga ayaa ah korjoogtaynta doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo sidoo kale kursiga berri doorashadiisa lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee summadiisu tahay HOP#079.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo soo gaba gabayn lahaa Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.