Howlgallo culus oo ka bilowday Caabud-Waaq.
Caabudwaaq : Ciidamada Amaanka ayaa bilaabay howlgal ujeedkiisu yahay sidii dib loogu soo celin lahaa xasiloonidii Magaaladaasi oo ay hareeyeen dilal, dhowr cisho oo is xigxigay loo geystay rag dhalinyaro ah, waxaana howlgalka maanta hoggaaminayay Mas'uuliyiin uu kamid yahay duqa Magaalada oo xirtay dharka Ciidamada Milatariga.
Ciidamo kala duwan oo dhawaan maamulka Galmudug uu geeyay degmada Cabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa Maanta halkaasi ka billaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.
Ciidamadan oo isugu jira Millateri , Boolis iyo Nabadsugid ayaa howlgalka ka fuliyay dhamaan Xaafadaha degmada Cabudwaaq & waddooyinka, waxaana uu ahaa mid lagu bartil maameed sanayay dadka hubka shari darrada ah ku heysta Magaalada.
Saraakiisha Ciidamada howlgalka waday hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dadka dilalka geysanayay maalmihii la soo dhaafay ee heysta hubka sharci darrada ah.
Intii uu howlgalka socday ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka degmada, Xildhibaano, iyo saraakiisha Ciidamada waxa ay Roondo ku mareen waddooyinka degmada Cabudwaaq, waxaana ay sheegeen inaan marnaba la aqbali karin dadka heysta hubka sharci darrada ah.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa degmada Cabudwaaq ee dhacda Waqooyiga gobolka Galgaduud dhowr habeen oo isku xigta waxaa lagu dilay dad Shacab ah, waxaana ay dhamaan dilalkaas ahaayeen kuwa la xiriira aanooyin qabiil.