Isu soo bax Roob doon ah oo ka dhacay Dhuusa Mareeb.
Dhusa-Mareeb : Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka dhacay banaan bax balaaran oo roob doon iyo Alle bari ah oo ay dhigayeen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay barxada masjidka Sheikh Cabdi, si ay uga qeyb galaan banaan baxan roob doonka iyo alla bariga ah oo ay soo qaban qaabiyeen culimada Magaalada Dhuusamareeb.
Banaan baxayaasha ayaa dukaday salaad Alla Barri ah, waxa ayna ilaahay weydiisteen in roob u keeno, sidoo kalena uu ka dul qaado abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada Galmudug ee saameesay dad iyo duunyo.
Culimada ka hadashay isu soo baxa alla bariga ah ayaa ugu baaqay shacabka in Allaah loo soo laabto ayna weydiistaan Ilaahey in uu ka dul qaado dhibaatooyinkan ay abaarta ugu horeeyso.
Qeybo kamid ah deeganada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka jira abaaro dad iyo duunyo saameyn ku yeeshay, waxaana dadka ay abaarahan saameeyeen qaarkood adkaaday in gurmad iyo gar gaar la gaarsiiyo.