Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

kulankii BFS ee maanta & Xogta Qaraxyada laga maqlay Villa Hargeysa.

kulankii BFS ee maanta & Xogta Qaraxyada laga maqlay Villa Hargeysa.

Muqdisho : Warar dheeraad ah ayaa kazoo baxaya Qaraxyo laga maqlay agagaarka Xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay kulan kulahaayeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wariyeyaal ku sugan Xarunta Villa Hargeysa ayaa kusoo waramaya in Albaabka laga galo Xarunta Villa Hargeysa ay kusoo dhaceen Hoobiyeyaal, isla markaana ay ku dhaawacmeen Shaqaale kamid ah Xarunta.

Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa xilligaasi ugu baaqay Xildhibaannada in aysan banaanka u bixin, waxaana intaasi kadib kulanka ka dhashay buuq xoogan, iyada oo Wararka qaar ay sheegayaan in buuq iyo gacan ka hadal uu hareeyay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Guddoonada Kumeel gaarka ah ee labada Gole ay kulanka isaga soo baxeen markii uu buuqa sii xoogeystay, taas oo keentay in Kulanka uu xirmo.

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodu waxaa uu ahaa Fadhigada Koowaad ee wadajirka ah waxaana uu kusoo idlaaday natiijo la’aan maadaama uu buuq kusoo idlaaday.