Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo.
Kismaayo : Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu Maanta Barqadii ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay Gaari Qooqan ah oo uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland xilli uu marayay inta u dhaxeysa deegaannada Baarka iyo Buulo-Guduud.
Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen Sarkaalka xukuma Ciidamada Jubbaland ee Aaga deegaannada Baarka iyo Buulo-Guduud iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay ridayeen qaar kamid ah Ciidamada qaraxa lala beegsaday, waxaana dhaawacyada askarta la geeyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo.
Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana dhowr jeer sidaan oo kale qaraxyo ay uga dhacen wadada u dhaxeysa deegaannada Baarka iyo Buulo-Guduud oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.