Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Jadwalka & Hab raaca doorashada Gudoonada BFS oo la ansixiyay.

Jadwalka & Hab raaca doorashada Gudoonada BFS oo la ansixiyay.

Muqdisho : Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa waxaa ay maanta soo saareen jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la qabanayo dabayaqaada bishaan April.

Guddoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal ayaa shaaciyay in Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay dhici doonto 27 Abril 2022, halka guddoomiyaha golaha aqalka sare la dooran doono 26 ka Abril 2022.

Dhinaca kale waxaa jiray Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo diidanaa jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee maanta lagu dhawaqay, kuwaas oo doonayay in dib loo dhigo.

Wararka ayaa sheegaya in buuq badan uu ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee Xildhibaanada labada gole ee maanta kaasi oo sababay in Gudoonada KMG ah ay hoolka ka baxaan iyagoo aan shirka soo xirin.