Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Soomaaliya oo xil sare ka qabatay Ururka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

Soomaaliya oo xil sare ka qabatay Ururka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

Mauritania : Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Saciid Xuseen Ciid iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galay Shirka Horumarinta Beeraha Wadamada Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Wadanka Mauritania.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay  Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee dalalka Carabta, Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dowladaha Carabta.

Waxaa nasiib wanaag aheyd in Wadanka Soomaaliya loo doortay inay qabato Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Saciid Xuseen Ciid, waxuuna kala wareegay xilka Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dalka Mooritaaniya oo horay hogaanka u haayay.