Maxkamadda Sare oo dhageysatay Kiiska Kursiga Fahad Yaasiin.
Muqdisho : Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta waxaa ay billowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee hakiyay kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay Agaasimihii Hore ee Hay’adda NISA iminkana ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Goobta dhageysiga Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, waxaana goobta lagu dhageystay dacwad u dhaxeysay qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda ayaa Qareenka u doodayay Fahad Yaasiin oo lagu Magacaabo Sakariye Ismaaciil wuxuu sheegay in aysan jirin awood ka sareeysa Maxkamadda Sare, isaga oo Maxkamadda u gudbiyay codsi ku aadan in la diido Go’aanka guddiga doorashooyinka ay ku hakiyeen Kursiga Hop#86.
Dhinaca kale Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa dhankiisa ku dooday in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay Baarlamaankii hore ee Soomaaliya in uu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada isla markaana aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada la xiriira doorashooyinka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqey in fadhiga Maanta ee dhageysiga Dacwadda Fahad Yaasin xiran yahay, isla markaana uu go’aan kasoo bixi doono Maxkamadda dhawaan.
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa 18-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan ku dhawaaqay in la hakiya qabashada doorashada kursiga Hop#086, hayeeshee Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ka dhega adeegay Go’aankaas uu doorashada kursigaas qabtay 20-kii Bishaas Febaraayo, isla markaana uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.