Al-shabab oo toogasho ka fuliyay duleedka Afgooye.
Afgooye : Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa toogasho ku fuliyey Faarax Axmed Cumar oo ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii ay gacanta ku dhigeen xoogaga kooxdaasi.
Faarax oo 43 jir ah ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo sheegay inuu ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 7aad ee qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay ninkan ku sugnaa dadweyne fara badan oo la’isugu yeeray halkaasi si ay udaawadaan xukunka ay fulinayeen dagaalamayaasha Ururka iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ninkaan uu qirtay eedeynta loo soo jeediyey ee ah inuu ka tirsanaa Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Milateriga ah ee ka howlgala gobolka Sh Hoose kadibna sidaasi lagu toogtay.
Faarax Axmed Cumar ayaa markii uu u gacan galayey Al-Shabaab waxaa la sheegay in laga qabtay inta u dhexeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Walanweyn ee gobolka Sh Hoose, xilli uu ku socdaalayey halkaasi.
Marar badan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa goobo fagaare ah waxa ay ku toogteen askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ay dagaallo ku qabteen, taas oo marar badan ay warisay warbaahinta ku hadasha afka ururka.
Inta badan kooxdaan ayaa xukuno kala duwan oo u badan dilal toogasho ah ka fulisa deegaanada ay ka sugan yihiin ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.