Wasiiro taageeray Go’aankii Maxkamadda Sare.
Muqdisho : Kadib markii Maanta Maxkamadda Sare ay diiday inay qaado dacwad uu u gudbiyay lataliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taas oo ka dhan aheyd Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa taageeray qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu arrinkaa kaga hadlayo ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee barta Facebook.
“Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee JFS ee uu hogaamiyo Garsoore Baashe Yuusuf Axmed.
Dhab ahaanti maxkamadda sare ee dalku waxa ay maanta u hiilisay qarannimada, nabadda iyo cadaaladda. Gudoomiye Baashe, garsoore Saalax Dhiblaawe & garsoore Cabdicasiisna waxa ay sameeyeen taariikh mudan in loo diiwaangaliyo garsoorka JFS.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Aladaala ayaa dhankiisa qoraal uu ku taageerayo go’aanka Maxkamadda sare ee dalka ku baahiyay bartiisa Facebook.
“Sharciga ayaa hiiliyay, xaqa ayuuna u hiiliyay.
Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku imaanaysaaa dariiqaan oo kale.
Waa mahadsantahay Maxkamadda sare ee Dalku.
Inta badan Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa taageeray go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka ku diiday inay qaado dacwadda uu u gudbiyay Fahad Yaasiin taas oo ka dhan ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.