Booliska oo qabtay Shabakad dhac ka geysaneysay Muqdisho.
Muqdisho : Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sameeyay howlgal ballaaran oo ay kusoo qabteen shabakad isku xiran oo dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan xaafadaha gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Abdifitah Aaadan Hassan oo qoraal ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay inay soo qabteen koox isku xiran oo dhac geysanaysay iyo kuwii Mobile-da lasoo dhaco u iibin jiray.
Qoraalka uu Afhayeenku kusoo qoray ciwaankiisa uu ku leeyahay barta shabakadda Facebook-ga ayaa u qornaa sida tan:-
“Wargilin Muhiim Ah Share gareeya Walaaliyaal
Howlgal baariseed oo ay Sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa laga soo Qabtey Shabakad is ku Xeran oo ka kooban
1. Kuwo Mobilelada dhaca
2. Kuwa Iibiya Mobile.da La dhaco
3. Kuwa safriye oo geeya Mobile.lada
Waxaan haynaa Mobile gaaraaya Ilaa iyo 26 Moblie oo Samsung ah Fadlan nalasoo xiriir
Waxaa si too ah Shir Jaraa id ugu Qaban doonaa Saacadaha Soosoc da Inshaa allah
Hadii Sawirada Mobile.lada Saaran aad Qof ka Taqaanid fadlan hala xiriirraan Xafiiska Afhayeenka Si loogu xiriiriyo Qaybta Baarista Dambiya OO gacanta ku haaysa
FG :- Nagala Soo xiriir Whats app.ka facebook.ga ku xeran.
Afhayeenku ma shaacin xog faah faahsan oo ku saabsan dadka lasoo qabtay tiradooda , halka laga soo qabtay iyo goorta ay soo qabteen intaba.