Axmed Karaash oo la wareegay hogaanka Puntland.
Garowe : Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ee Puntland ayaa lagu sheeegay in madaxweyne ku xigeenku uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilkii madaxweynaha Puntland, isagoo faray hay’adaha dawladda inay u hoggaansamaan ilaalinta iyo dhawrista dastuurka Puntland iyo qawaaniinta kale.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in maadaama uu madaxweynihii si ku meel gaar ah u gudan kari waayey waajibaadkiisa dastuuriga ah, in mas’uuliyaduhu ay isaga si ku meel gaar ah ugu wareegayaan sida ku cad ayuu yiri dastuurka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa tallaabadan uu qaaday ku macneeyey inuu kaga hortegayo inay Puntland gasho firaaq dastuuri ah xilli ay deeganadaas ka jiraan abaar, dhaqaalo xumo, shaqo la’aan iyo dhibaatooyinka dhanka amniga ah.
Tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka wado ololaha doorashadiisa madaxtinimo ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan wax war ah kama soo saarin tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.