Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

In ka badan 20 musharax oo isu diiwaan gelisay Gudoonka Golaha Shacabka.

In ka badan 20 musharax oo isu diiwaan gelisay Gudoonka Golaha Shacabka.

Muqdisho : Guddiyada qaban qaabada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diiwaan geliyay sidoo kalena siiyay shahaadada musharaxnimo musharaxiin badan oo u taagan guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka.

Doorashada guddoomiyaha gollaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen ayaa waxaa isku diiwaan geliyay illaa iyo iminka 21-musharax, kuwaas oo tartan adag u geli doono hanashada saddexda kursi ee guddoonka golaha.

Musharaxiinta ugu badan ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha gollaha shacabka, waxaana kursigaasi loo diiwaangeliyay ilaa 8-musharax halka kuxigeenka 1-aad ay isu diwaan geliyeen 7-musharax, waxaa sidoo kale kuxigeenka 2-aad isu diwaan geliyay 6 musharax.

Loolanka ugu adag ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaana lagu ogaan doonaa cida ay u badan doonto natiijada kasoo baxda doorashada guddoonka labada aqal ee lagu wado in isbuuca soo aadan ay ka dhacdo Muqdisho.

Halkaan ka akhriso magacyada Musharaxiinta isku diiwaan gelisay guddoonka gollaha shacabka iyo labada ku xigeen.

Guddoomiyaha Gollaha Shacabka

1.Aadan Aadan Maxamad Nur (Madoobe)

2.Cabdulahi Adan Ahmed ( Black)

3.Maxamad Mursal Sh.Cabdiraxmaan

4.Sadiiq Cabdi Nuur

5.Aadan Maxamad Saransoor

6.Shariif Maxamad Cabdalla

7.Cabdirashiid Maxamad Xidig

8.Xasan Cabdi Nuur

Kuxigeenka -1aad

1.Maxamad Cali Cumar (Caana nuug)

2.Maxamad Cumar Ceymooy

3.Sacdiya Haji Yasin Sacdiya Firimbi

4.Maxamad nur Abubakar (Shariif Mustafa)

5.Maxamad Cabdiqadir Jeego

6.C.raxman C.qadir Cade

7.C.karin Cabdow Xeydar

Kuxigeenka 2-aad

1.Cabdulaahi Cumar Abshirow

2.Mahad Cabdalla Cawad

3.Maxamad Xuseen Abukar

4.Asad Abdirizak Maxamad

5.Axmad Aadan Axmad

6.Saciid Maxamad Cali