Xogta qasaaraha qaraxii xalay ka dhacay Liido.
Muqdisho : Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo faahfaahin ka bixiyay qarax xalay ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegay inuu fuliyay qof soo xirtay jaakadda qaraxda.
Afhayeenka ayaa sheegay in tirade dadka ku dhintay ay tahay 3-qof iyo dhaawacyada 8-kale ayuu xaqiijiyey inay ka dhasheen qaraxaas.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira Saraakiil boolis iyo qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee halkaasi ku sugnaa xilligii uu qaraxa dhacaayay.
Qaraxa waxaa ka badbaaday taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo dhawaan laga soo doortay deegaanada maamulka Puntland.
Madaxweyne Farmaajo ,Raiisul wasaare Rooble iyo xubno ka mid ah Midowga Musharraxiinta xilka madaxweyne ayaa cambaareeyay Qaraxaasi.
Daqiiqadihii hore ee xilliga uu qaraxa dhacay ayaa waxaa soo baxay warar kala duwan oo ku aadan nuuca weerarka iyo weliba qasaaraha ka dhashay, balse Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay gudaha u galeen maqaayada rag dagaalama.