Doorasho maanta ka dhaceysa Jowhar.
Jowhar : Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Goboleedka Hir-Shabelle waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kursi kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.
Kursigaan waxaa in muddo ah ku fadhiyay xildhibaan Cabdisataar Sheekh Xassan Barsane, iyadoo uu markale u taagan yahay doorashada kursigaan, waxaana kula tartamaya Cali Xassan Ibraahim.
Sidoo kale, Guddiga doorasshhooyinka ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa shalay Shahaadada musharraxnimo waxa ay guddoonsiiyeen musharrixiinta kursiga Hop#009.
Hadii kursigaan maanta ay qabsoonto doorashadiisa waxaa maamulka Hirshabelle ku harsan saddex kursi oo kala ah HOP#135 oo ay ka geeriyootay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Kursiga HOP#141 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Maxamed Abuukar Islow iyo kursiga HOP146 oo uu ku fadhiyo wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Doorashada maanta Jowhar ka dhacaysa ayaa timid ka gadaal markii qarax askar ay ku dhinteen uu ka dhacay magaaladaas, iyadoona saakay lasoo wariyay in si aad ah loo adkeeyay amniga guud ee magaaladaas.