Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Howlgal lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah.

Howlgal lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah.

Muqdisho : Maamulka degmada Kaaraan iyo Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ahaa Ciyaal weerada oo dhibaato ku haaya Shacabka ka sameeyay Xaafado katirsan degmadaasi.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Booliska degmada Kaaraan Gaashaanle Salaad Caraale Cali iyo Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud, waxaana lagu qabtay dhalinyaro kamid ah Ciyaal weerada oo watay Mindiyo , Ulo iyo tooshash.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud oo howlgalka faah faahinayay ayaa sheegay in  dhalinyaradaan ay soo qabteen ay dhowr jeer uga digeen dhibaatada isugu jira isticmaalka maandooriyaha & dilka dadka Shacabka balse ay ka dhega adeegeen, hayeeshee ugu dambeyn qaar kamid ah ay gacanta ku dhigeen.

Wuxuu ugu baaqay Waalidiinta Dhalinyarada weli kamid ah Ciyaal weerada inay Carruurtooda ceshadaan hadii kale uu Maamulka degmada tallaabo ka qaadi doono, isaga oo markale u digay Dhalinyarada weli kasii midka ah Ciyaal weerada.

Bilihii la soo dhaafay ayaa dadka kunool qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa dhibaato ku haayay Ciyaal weerada, iyada oo laamaha Amniga Gobolka Banaadir ay sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan.