Ciidanka XDS oo bilaabay howlgal ka dhan ah Al-shabab.
Matabaan : Ciidamada Xoogga ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 15aad taliska qeybta 21aad & Ciidamada Booliska degmada Guriceel ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay la wareegeen Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudeey iyo Saraakiil kale, waxaana ay Ciidamada sigaar ah uga fuliyeen deegaanka Bacda & deegaano kale oo dhawaan lagu arkay Xubno katirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalkaani uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan & deegaanada hoostaga oo ay xilliyada qaar yimaadaan, isla markaana loo xaqiijin lahaa Amniga degmadaas & deegaannada hoostaga.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa waxaa ay weli ku sugan yihiin degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana bulshada Magaalada ay sheegeen inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo.
Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay ku xoogan yihiin gobolada dhaca Koonfurta Soomaaliya , inkastoo mararka qaar ay weeraro ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Maamulka Puntland.