Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Digniin kasoo baxday Taliska Booliska Nugaal.

Digniin kasoo baxday Taliska Booliska Nugaal.

Garowe : Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa manta kulan ku yeeshay Guddiga Amniga Gobolka, kaas oo uu shir guddoominayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa xaaladda Amni ee deegaannada & degmooyinka Gobolka Nugaal iyo U Diyaar Garowga Maalmaha Ciida Maadama Lagu Jiro Gaba-Gabada Bisha Ramadaan..

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa fariin adag u diray dadka gaadiidka ka furta Taarikada Ama Nambarka Gaariga Iyo Dhalinyarada xiliga Ciidda dadka dhiba.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Gobolka Nugaal, isaga oo Ciidamada faray inay dardar geliyaan sugida Amniga deegaanada Gobolka Nugaal, isla markaana ay u dhimriyaan dadka ay u adeegayaan.

Ururka Al-shabab ee Soomaaliya ayaa inta badan weeraro fuliya xilliyada lagu guda jiro bisha Ramadan maamulka Puntland waxa uu kamid yahay deegaanada ay Al-shabab fariisimaha ku leeyihiin.