Xildhibaan maanta lagu doortay Jowhar.
Jowhar : Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hir-Shabelle ayaa Magaalada Jowhar Maanta ku qabtay doorashada kursiga Hop#009, kaas oo kamid ah kuraasta ugu dambeeysa ee Magaalada jowhar.
Kursigan ayaa waxaa ku tartamay Cali Xasan Ibraahim & Cabdisataar Cabdisalaan Sh Xasan Barsane oo kursigaan horay ugu fadhiyay, balse waxaa ku guuleystay Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab).
Guddiga doorashooyinka Hir-Shabelle oo natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in musharixiinta ay codadka ay u kala heleen Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) 67 cod halka Cabdisataar Cabdisalaan Sh Xasan Barsane uu helay 33 Cod, waxaana xumaaday hal cod.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa u harsan in la qabto doorashada Saddex kursi oo ay ku kala fadhiyaan Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga ee hadda Cabdullaahi Maxamed Nuur & Kursiga ay ka geeriyootay Marxuumad Aamino Maxamed Cabdi.