Howlgal baaris ah oo laga sameynayo Xalane.
Muqdisho : Xilli dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble amray In la sameeyo howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee xerada Xalane, ayaa Howgalka ATMIS waxaa ay sheegeen in Bandow kusoo rogayaan xayndaabka Xalane.
Qoraal ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa lagu shaaciyay in ay qaadayaan tallaabo lagu baarayo amaanka guud ee Xalane, waxaana intaa ay ku dareen in bandowgu socon doona mudda dhawr cisha ah.
Xarunta Xalane iyo guud ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si toos ah loogu soo rogi doonaa bandowga, waxaana yaraan doona dhaq-dhaqaaqa guud ee Xarunta, sida lagu sheegay Qoraalka ATMIS.
Laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan April ayuu socon doonaa Bandowgu, waxaana Bandowgan uu saameyn doonaa dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaaradaha degan gudaha garoonka diyaaradaha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in loo baahan yahay xaqiijin guud oo dhanka ammaanka ah in lagu sameeyo Xayndaabka Xalane.
Bandowgan ay ATMIS ku dhawaaqday ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay qabashada doorashada Guddoonka golaha shacabka maalin qura ah naga xigto , iyadoona la qorsheeyay in ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee Xayndaabka Xalane.