Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiirka Batroolka oo hor tagaya Xeer Ilaalinta.

Wasiirka Batroolka oo hor tagaya Xeer Ilaalinta.

Muqdisho : Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa lagu wadaa in Maanta uu hortago Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dhawaan u yeeray.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa loogu yeeray Wasiirka si wax looga weeydiiyo heshiiska Shidaal baarista ee uu la galay Shirkadda Coastline Exportation Limited ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa 19-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan wuxuu sheegay in heshiiska Shidaal uu la ogaa Farmaajo lana galay Shirkadda Coastline balse Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble ay xilligaas diideen heshiiskaas kuna tilmaameen mid sharci darro ah.

Dadka Falanqeeya arrimaha siyaasadda qaarkood ayaa qaba in hadalka wasiirku yahay mid sax ah , waxaana shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay sugayaan warbixinta xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.