Deg-deg Xildhibaanadii Ceel-waaq oo la dhaariyay.
Muqdisho : Magaalada Muqdisho gaar ahaan aagga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa lagu dhaariyay 16 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
Xildhibaanadaan ayaa ah kuwii laga soo doortay Maamulka Jubaland gaar ahaan deegaan doorashada labaad oo loo weeciyay magaalada Ceel-Waaq kadib markii Garbahaarey ay tagi waayeen guddiga doorashada Jubaland & guddi xaqiiqo raadin ah oo uu RW Rooble u xil saaray.
Gelinkii dambe ee manta ayuu qorshuhu ahaa in xildhibaanada Ceel-Waaq lagu soo doortay lagu dhaariyo teendhada Afisiyooni meel kamid ah , balse dib ayaa looga noqday kadib markii ay halkaas buux dhaafiyeen xildhibaano ayagana sheegtay in lagu soo doortay Garbahaarey.
Goobta lagu dhaarinayay 16-ka xildhibaan waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha KMG-ka ah ee Golaha Shacabka & Xogahayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS.
27-ka bishaan oo ku beegan Arbacada todobaadkan ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisiyooni lagu qabto doorashada gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.