Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Axmed Karaash oo kulamo amni kawada Gaalkacyo.

Axmed Karaash oo kulamo amni kawada Gaalkacyo.

Gaalkacyo : Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo kusugan Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay kulan la qaatay guddiga Amniga gobolka Mudug.

Kulanka ayaa dhinacyadu waxaa ay uga wada hadleen xoojinta Amniga guud ee gobolka iyo in Ciidamadu xiriir dhow la yeeshaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa faray saraakiisha Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga.

Axmed Karaash ayaa shalay Magaalada Gaalkacyo u tagay baaritaanka weerarkii lagu qaaday dhawaan Guri uu Magaalada Gaalkacyo kaga sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.