Qarax qasaare geystay oo ka dhacay Sh Dhexe.
Jowhar : Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo katirsan kuwa Burundi ee kamid ah howlgalka ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM lagula eegtay duleedka magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Qaraxaas oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ee meelaha fogfog laga hago ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Burundi waxaa lagula eegtay deegaanka Buurane oo qiyaastii 23KM Dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada xilliga qaraxa lala beegsanayay ay kujireen howlgal roondo ah, isla markaana qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan, taas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaaro ah.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa duleedka Magaalada Jowhar lagula beegsaday Ciidamada ATMIS, iyaga oo sheegay inay ku dileen laba Askari oo kamid ah Ciidamada Burundi wallow aysan jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Dhowr jeer ayaa waxaa sidaan oo kale qarax lagu weeraray Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM, iyaga oo ku safraya wadada u dhaxeeysa Magaalada jowhar iyo deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.