Buuq ka dhacay fadhiga Baarlamaanka.
Muqdisho : Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saakay lahaa kulan koodii caadiga ahaa, kaas oo ka dhacayay xarunta KMG Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Fiidnimadii xalay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lala wadaagay fariin ah in uu jiro kulanka Golaha, waxaana uu ajandaha ahaa; Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad & Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.
Xildhibaannada oo fulinaya fariinta ayaa saakay soo xaadiray kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kahor inta uusan bilaaban kulanka ayaa waxaa hal mar xarunta golaha ka dhashay Buuq Xooggan kaas oo salka ku haya Xildhibaannada laga soo doortay Ceelwaaq iyo Garbaaharrey.
Deegaan doorashada labaad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Gobalka Gado ayaa dood badan dhalisay Xildhibaannada lagu soo kala doortay, ayada uu Guddiga Doorashadooyinka Heer Federaal ee FEIT uu shahaadada rasmiga ah siiyay Xildhibaannada lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gado.
Balse saakay waxaa goobta soo gaaray kuwa lagu soo doortay Magaalada Garbaaharrey oo sheegay in ay heystaan aqoonsi uu siiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Waxaa la filayaa in uu goordhow soo gaaro xarunta Villa Hargeysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, waxaa laga war sugayaa go’aanka uu ka gaaro.