Ciidanka Dana boo fuliyay howlgal gaar ah.
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorshaysan oo Amniga lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyey deegaano dhaca jidka xiriiriya Gobolada Shabeellaha Hoose & Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Howlgalka oo sigaar ah ay u fuliyeen Ciidamada Ururka 4aad ee Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB ayaa waxaa ay kula wareegeen deegaannada leego iyo Jameeco oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa xaqiijinta Amniga, isla markaana ay burburiyeen Goobo ay lacagaha ku qaadi jireen Al-Shabaab, halkaas oo ay la wareegeen Amnigeeda.
Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan labada Gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Baay ilaa iyo inta ay ka saarayaan deeegaanadaas.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa waxaa ay howlgallo gaar ah ka fuliyaan deegaano katirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hayeeshee mararka qaar waxa ay weeraro gaadmo ah kala kulmaan Al-Shabaab.