Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dagaal ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.

Dagaal ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.

Kismaayo : Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka baarka oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarka ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Dadka deegaanka qaar kamid ah ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka ku dhaawacmay saddex askari oo katirsan Ciidamada Jubbaland.

Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen kana hortageen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Baarka ee gobolka Jubbada Hosoe ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, waxaana halkaasi gacanta ku haaya Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland.