Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka JFS oo kulan yeeshay.
Muqdisho : Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.
Gudoomiyaha Aqalka Sare aya uga mahad celiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) soo dhaweynta uu u sameeyay, isaga oo sheegay in labada Aqal ay si wanaagsan uwada Shaqeyn doonaan.
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Gole ayaa lagu wadaa dhawaan inay yeeshaan fadhi wadajir ah si ay u bilaabaan howlaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Si gaar ah Golaha Shacabka waxaa horyaalla mid kamid ah caqabadaha weli darfaha ku dhagan hirgelinta doorashada Madaxweyne, maadaama weli buuq ka taagan yahay 16-ka xildhibaan ee deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Gedo.
Fadhigii ay Sabtidii shalay xubnaha Golaha Shacabku ay ku yeesheen xaruntooda Villa Hargeysa ayaa waxaa gudaha lagu arkay Xubno sheegay in lagu soo doortay Garbahaarey & Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-waaq.