Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Booliska KGS oo Amarro kasoo saaray Maalmaha Ciidda.

Booliska KGS oo Amarro kasoo saaray Maalmaha Ciidda.

Baydhabo : Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan & Taliyaha Saldhiga Magaalada Baydhabo Muqtaar Ibraahim Gaduudoow ayaa soo saaray awaamiir la xiriira Amniga Maalmaha ciida.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo Muqtaar Ibraahim Gaduudow ayaa Waalidiinta Magaalada Baydhabo ku amray in Carruurta aysan usoo iibin Maalmaha Ciida Agabka Carruurta ku ciyaaraan ee lagu isticmaalo baaruuda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in inta lagu guda jiro Maalmaha ciida aysan wax gaadiid ah ka Shaqeyn karin Magaalada Baydhabo,isla markaana dadka aan fulin amaradan ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Maalinta berito ah ayaa siweyn looga ciidayaa Soomaaliya iyo Caalamka Islaamka intiisa kale, waxaana Maanta siwen loo dareemayaa u diyaar garoowga Ciidul Fitriga oo ay saacado kooban inaga xigaan.