Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sharif Sh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar.

Sharif Sh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar.

Jowhar : Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iminkana ah Gudoomiyaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar.

Shariif Sh Axmed oo ka mid ah Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ku tartamo kursiga xildhibaan nimo ee #HOP146 oo lagu dooran doono magaalada Jowhar.

Kuraasta bah wadaagta ah ee #HOP146 & #HOP141 ayaa in muddo ah waxaa ka jira buuq ka dhashay hab qeybsiga beelaha ay ka dhaxeeyaan waxaana jirta in mid kamid ah beelaha ay cabasho ka yihiin in sagaalkii sano ee lasoo dhaafay aysan helin matalaad siyaasi ah.

Shariif Sh Axmed ayaa la fahamsan yahay in musharax nimadiisu salka ku heyso inay tanaasulaan musharaxiinta beelaha kale maadaama reerka leh kuraasta ay si gaar ah u ixtimaayaan mas’uulkan soo noqday Madaxweynaha Soomaaliya.