Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Al-shabab oo ka hadlay weerarkii Ceel Baraf.

Al-shabab oo ka hadlay weerarkii Ceel Baraf.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegatay inay ku dileen askar gaareysa 59 oo ka tirsan ciidamada ATMIS weerar ay saaka waaberigii ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee dhaca gobolka Sh/dhexe.

Bayaan ay soo saareen ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal xooggan kadib, ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen saldhigga waxa ayna dagaalkaa ku dileen illaa 59 askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS.

“Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxa ay wadaan howlgallo lagu sii baacsanayo cadowga ay suuragal ah inay tirada dhimashadu sii kororto, waxayna soo gudbin doontaan tafaasiil dheeraad ah”.ayaa lagu yiri bayaan ay Alshabaab soo saareen.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay ATMIS iyo maamulka Hirshabelle,hase yeeshee wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Baraf ayaa sheegaya in dad badan oo rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkii saaka waaberigii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ay ciidamada ATMIS ku lahaayeen Ceel Baraf.

Saldhigga saaakay ay Al-shabaabku weerareen waxaa fariisin ku lahaa ciidan ka tirsan kuwa midowga Africa ee howlgalka ATMIS waxaana xubno kamid ah dadka deegaanka ay inoo sheegeen inay arkayeen ciidanka oo naftooda la baxsanaya oo xaafadaha qaar lugeynaya.