Garoonka Diyaaradaha Baladweyn oo xiran.
Baladweyn : Waxaa Maanta gebi ahaanba istaagay howlihii Shaqo ee garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo si maalinle ah duulimaadyo u tegi jiraan ugana soo bixi jireen.
Sababta ugu weyn ee Maanta u istaagtay Shaqada Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay tahay kadib markii xalay Roobab xoogan ay Magaalada ka da’een taasoo keentay in Biyo badan ay fariistaan Garoonka oo ah dhul bacaad ah.
Warar aan helnay ayaa sheegaya inay dib u dhaceen dhowr duulimaad oo Maanta tegi lahaa iyo kuwo ka imaan lahaa Magaalada Beledweyne taas oo sabab u ah Roobka xalay ka da’ay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Maamulka Hi-Shabeelle oo ay isaga kala dambeeyeen Saddex Madaxweyne ayaan ku guuleysan in ay dhisaan Garoonka Diyaaradaha Beledweyne si aysan hakad u gelin Shaqada Garoonka maadaama Maamulka uu dhaqaalo badan ka helo.
Dadka Reer Beledweyne ayaa ku qaba dhibaatooyin kala duwan markii uu roobka yimaado hakadka ku yimaada shaqada garoonka Diyaaradaha , waxaana dib u dhac ku yimaada Safaro Caafimaad iyo kuwo kale oo ay ku imaan lahaayeen magalada Muqdisho iyo dowladaha deriska la’ah Soomaaliya.